Muqdisho, January 3, 2018—Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay ka qeyb galay Munaasabad lagu soo bandhigayay Waxqabadka Wasaaradda Maaliyadda sideeddii Bilood ee la soo dhaafay, munaasabada ayaa waxaa goob joog ahaa Ra`iisulwasaaraha Dalka müdane, Xasan Cali Khayre, Wasiiro ka tirsan xukuumadda, Xildhibaano labda gol oka tirsan iyo martisharaf kale.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya müdane , Abdirahman Dualeh Beileh ayaa soo bandhigtay wax-qabadka wasaarada mudada yar ay jirtay isaga oo ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay intii ay xukuumaddu jirtay, isagoo sheegay in miisaaniyadda dawladda ay samaysay koror fiican oo lagu ammaani karo, waxuuna bogaadiyay ganacsatada Soomaaliyeed sida ay isu xilqaameen bixinta cashuurta, kuna booriyay ganacsatada iyo qaybaha bulshad in ay bixiyaan canshuuraha si isku filnaansho dhaqaale Dalku ugaaro.

Wasiir Beileh ayaa ka hadlay daymaha dalka  lagu leeyahay, isaga oo sheegay sida looga dhaafi karo daymahaasi ay tahay Soomaaliya oo la timaado dawlad wanaag iyo isla xisaabtan muuqda oo hay’adaha dawladda la yimaadaan. Hay`adda  IMF Xukuumadda waxaa ay kala shaqeyneysa in la xoojiyo qiimaha shilinka Soomaaliga kaa oo mudooyinkaan danbe qiimo ahaanba hoos u dhac ku yimid.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in marnaba aysan suurto gal ahayn in dalka soomaaliya uu sidan uu ku sii jiro dhaqaalihiisa, waxuuna tilmaamay in Xukuumaddiisa iyo shacabka Soomaaliyeed u wada istaagaan sidii loo hormarin lahaa dhaqaaqaha dalka. Ra`iisulwasaaraha ayaa xusay in ganacsatada Soomaaliyeed looga baahan yahay iney laba jibaaraan bixinta cashuuraha iyo kobcinta dhaqaalaha dalka. Ganacsatada Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ku ammaanay sida ay mar walba u garab taagan yihiin dawladda.