Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya ay maanta ansixiyeen Miisaaniyadda Dowlada ee sanadka 2018.

162-Xildhibaan ayaa ogolaatay Miisaaniyadda dowlada ee 2018, halka uu diiday Hal Xildhibaan Midna uu ka aamusay.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale  Beyle ayaa kaga mahad celiyay dhamaan xubnaha golaha shacabka ee meel mariyay Miisaaniyadda, wuxuuna ku tilmaamay Talaabo wanaagsan oo hore loo qaaday.