Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale bayle ayaa maanta Baarlamaanka Jamhuuriyadda faderaalka Soomaaliya hor geeyay Miisaaniyada Dowladda ee sanad 2018 da.

Miisaaniyada ayaa dhawaan waxaa mel mariyay Xubnaha Golaha wasiirada Xukuumadda. Miisaaniyada ayaa maraysay Aqrinta koowaad ayuu wasiir Bayle xubnaha golaha shacabka ka siiyay Faahfaahin.

Wasiirka maaliyadda Xukuumadda Dr c/raxmaan DUcaale abayle ayaa sheegay in miisaaniyadaan ay tahay midii ugu horeysay ee lagu daro Qoondada Caafimaadka iyo waxbarashada dadwaynaha.

“Mudanayaal waxaan idiin sheegayaa in Miisaaniyaddaan ay ka duwantahay kuwii hore, maxaayeelay waxaa ku jirta $3Milyan oo Caafimaadka Dadweynaha iyo ku dhawaad $6Milyan oo Waxbarashada Dadweynaha aan ugu talagalnay” ayuu Xildhibaanada ka hor yiri Wasiir C/raxmaan Ducaale Bayleh.

Akhrin iyo ka doodid kadib waxaa la sugayaa go’aanka Baarlamaanka ee ku aadan meelmarinta Miisaaniyadda Dowladda ee 2018ka.