Ra’iisul Wasaare xukuumadda faderaalka Soomaaliya mudene, Xassan Cali Kheyre iyo Wasiirka Maaliyadda xukuumadda faderaalka Soomaaliya Dr C/Raxmaan Ducaale Bayle ayaa daah furay Mashruuc shaqo abuur ah oo ay iska kaa shadeen Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Aduunka.

Mashruucaan oo lagu magacaabo SCORE waa mashruuc lagu maalgalinayo Ganisiga yar yar ee dhalinyarada Soomaaliyeed, ee dalka ku dhaqan si ay heleen fursado ay noloshooda ku maarayn karaan,

Mashruucaan ayaa lacagta loo maal gelinayo dhalin yarada waxaa ay u dhaxaysaa ilaa $5,000 kun, ilaa $150,000 kun, iyadoo ilaa iyo hada maaligalin loo sameeyay 70 Ganacsiyo yar yar ah.

Lacagta mashruuca loo hayo ayaa gaaraysa $28 Milyan, waxaana la qorshaynayaa in intaasi kas ii badato sanadaha soo socda.

Wasaaradda Maaliyadda Dalka ayaa dadaal dheer ugu jirta sidii ay dakhliga guud ee Dalka iyo kan muwaadiniinta sare loogu qaadi lahaa, sidoo kalena dhalinyarada Soomaaliyeed ay u helli lahaayeen fursado kala duwan.