Xisaabiyaha guud ee Qaranka Marwo Faaduma Cusmaan ayaa maanta si rasmi ah xilkeeda ugala wareegtay xisaabiyihii hore ee dowladda Axmed Yuusuf Muumin (Siraaji)

Munaasabad kooban oo lagu qabtay Xarunta Wasaarada Maaliyadda Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiir ku xigeenka wasaaradda Prof C/llahi Shiikh Cali (Qaloocoow) Saraakiisha Wasaaradda Maaliyadda, iyo xubno kale ka Tirsan hay`adaha Dowladda ayaa xilka loogu kala wareejiyay Xisaabiyihii hore Axmed Yuusuf Muumin (Siraaji) iyo Xisaabiyaha cusub Marwo Faadumo Cusmaan Faarax.

Xisaabiyihii hore ee dowladda ayaa ug u hambalyeeyey Faaduma Cusmaan mas’uuliyadda adage ee loo igmaday, waxa uuna Alle uga baryey in uu la garab-galo, dhanka kale waxa uu sharraxaad ka bixiyey wixii u qabsoomey shantii sanno ee u dambeysay ee uu ahaa Xisaabiyaha guud ee Qaranka, guulo badanna laga sameeyey Xafiiska iyo howlaha dhinaca Xisaabaadka.

Golaha Wasiiarad ayaa dhawaan Faadumo u magacaabay inay qabato xilka Xisaabiyaha Guud ee Qaranka.

Xisaabiyaha guud ee Qaranka Marwo Faaduma Cismaan Faarax, waxay sanadkii 1981 ka baxday Machadkii Technico de Bancairo oo xisaabaadka iyo arrimaha Bankiyada ay ka baratay, sanadihii 1982-1986 waxay ka qalin jebisay maamulka iyo Maareynta ee SIDAM, sidoo kale waxay sanadihii 1987-1989 ka qalin jebisay Jaamacadda Universita de Sapienza ee dalka Talyaaniga oo shahaadda labaad ee xisbaadka ay ka qaadatay. Tabaarro dhinaca xisaabaadka iyo dhaqaalaha ah ayey ku qaadatay dalka Canada intii ka danbeysay sanadkii 2000.