Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta Kormeeray Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, waxaana R/wasaaraha Xaruntaasi kusoo dhoweeyey Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim, Wasiir ku xiggeenka Wasaaradda Mudane Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocoow iyo Masuuliyiin kale.

R/wasaare Kheyre ayaa ujeedka booqashada uu ku tagey xarunta Wasaaradda Maaliyadda ay ahayd sidii uu ugu kuur geli lahaa shaqada Wasaaradda ka socda iyo Hanaanka Shaqo ee ay Shaqaalaha u shaqeynayaan.

Mudane Xasan Cali Kheyre, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhiiri geliyey Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda, isagoo ku boggaadiyey Howsha adag ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed, kuna booriyay inay sii labo jibaaraan howsha Qaranka.