Muqdisho, 21, June, 2017…… Wasiiru Dowlaha Maaliyadda XFS mudane Maxamuud Xayir Ibraahim, oo ay wehliyaan Wasiirka Warfaafinta Eng. Abdiraxman Cumar Osmaan Yarisow, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka  Axmed Yusuf Muumin Siraaji ayaa maanta kormeer howleed ku tagay Bangiga Dhexe si ay uga qayb qaataan dadajinta mushaarka shaqaalaha ee bisha May, oo Ra’iisul Wasaare kheyr amray in la bixiyo inta aan la gaarin Ciida.

Wasiirada ayaa kulan la qaatay Gudoomiyaha Bangiga Dhexe Bashiir Ciise iyo ku xigeenkiisa, waxaan ay ka waraysteen halka ay marayso dadajinta bixinta mushaaraadka shaqaalaha iyo guud ahaan howlaha ka socda Bangiga dhexe.

Kulan kadib ayaa wasiirada iyo xisaabiyaha guud la hadleen saxaafada iyagoona ku aamanay howlwadeenada bangiga sida ya uga go’an tahay mudnaan siinta shaqaalaha dowladda iyo ciidamada kala duwan.

Wasiirka  Warfaafinta ayaa sheegay in bixinta si joogta ah mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidamada ay qayb ka tahay balanqaadkii madaxweynaha, dowladana ilaa hada ay ku guulaystay bixinta mushaaraadka,

“Madaxweynuhu wuxuu balan qaaday in si joogta ah loo helayo mushaaraadka hadana maanta la bilaabayo in Bangi Xisaabeedka uga furan shaqaalaha Bangiyada gaaarka loo leeyahay mushaarkooda bisha May, waxaana ku xigaya bacdul ciid in la diyaariyo mushaarka bisha June, hadii Eebe idmo” ayuu yiri Wasiir Yarisow.

Bangiga Dhexe 1 Bangiga Dhexe 2 Bangiga Dhexe 22 Bangiga Dhexe 23 Bangiga Dhexe 45 Bangiga Dhexe 56 Bangiga Dhexe 65 Bangiga Dhexe 123