Dawladda Ruushka oo lacag ka badan $684 Million ka dhaaftay Dawladda Soomaaliyeed.
Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa Wasiir ku Xigeenka Maaliyadda Dalka Ruushka Md. Timur Igorevich Maksimov la saxeexday heshiis ay Dawladda Ruushku kaga dhaaftay lacag ka badan $684 million.
Saxeexida Heshiiskan ayaa lafdhabar u ah dhammaystirka geediga dayn cafiska Dalka.
Heshiiskan taariikhiga ah ayaa ka dhacay magaalada Saint Petersburg oo uu barri ka furmayo shir waynaha Afrika iyo Ruushka oo ay ka qeyb galayaan wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac.