WARGELIN : Mashruuca SCALED-UP
JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
WASAARADDA MAALIYADDA
WARGELIN
SCALED-UP waa mashruuc uu maalgelinayo Bangiga Adduunka, waxaana hergelinaaya wasaaradda maaliyadda ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.
Mashruuca wuxuu kaabayaa kor u qaadista iyo helida adeegyada maaliyadeed iyadoo loo marayo habka digitalka ah (sida in qof kastaa uu helo kaar aqoonsi), sidoo kale mashruuca wuxuu fursad sinayaa halabuurka ganacsi gaar ahaan dhallinyarada iyo haweenka si loo yareeyo shaqo la’aanta.
Mashruuca wuxuu xoogga saarayaa saddex qaybood oo kala ah:
- Xoojinta hay’adaha dowliga ah gaar ahaan;
- Bangiga Dhexe.
- Xarunta Warbixinda Maaliyadeed.
- Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Technelogiyada iyo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka.
- Hay’adda bixinta kaararka aqoonsiga ee NIRA.
- Hirgelinta hannaan maaliyadeed oo loo marayo habka digitalka ah:
- Maalgelinta ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe iyadoo mashruucu uu sameeyay hay’ad fududaysa adeegyadaas loo yaqaano(Gargaara Company).
- Helidda adeegga kararka aqoonsiga iyadoo la diiwaangelinayo ugu yaraan dad gaaraya 1 million oo qof.
- Dhaqangelinta nidaam maaliyadeed oo isku xira adeegyada dowladda ay bixiso.
- Hirgelinta adeeg casri ah si ganacsiga loogu fududeeyo diiwaangelin online ah (One-Stop Shop).
- Isku duwida iyo maaraynta mashruuca:
3.1 Masruuca waxaa maamulaya wasaaradda maaliyada gaar ahaa xafiiska PIU.
Mashruuca waxa uu bulshada Soomaaliyeed ku wargelinayaa in wixii cabasho ama tabasho ah ee khuseeya mashruuca iyo qaybaha uu ka shaqeeyo lagu soo hagaajiyo:
- Xafiiska maamulka mashruuca oo ku dhex yaala wasaaradda maaliyadda,
- Fariintaada ku soo dir emailka cabashada mashruuca grm.scaledup@piu.mof.gov.so, ama 266
- Ku rid sanduuqa cabashada ee ku dhagan wasaaradda maaliyadda dabaqa 3aad ee yaala xafiiska maamulka mashruuca.