War Saxaafadeed – Guddiga Maamulka Maaliyadda 01 Nofeember 2021
Faafinta Warbixinta Maamulka Maaliyadda ee 2021
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ahna Gudoomiyaha Guddiga Maamulka Maaliyadda Dr. Abdirahman Beileh waxuu halkaan idiin kugu soo gudbinayaa warbixinta shanaad ee Maalulka Maaliyadda.
Warbixinta waxay dib u eegis ku sameyneysa arrimaha uu ka hadlay Gudiga Maamulka Maaliyadda sanadkii la soo dhaafay iyo horumarka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka sameysay xoojinta maamulka maaliyadda muddadii u dhaxeysay Luulyo 2020 ilaa Juun 2021. Sidoo kale waxay soo bandhigeysaa hortabinada maamulka maaliyadeed ee 2021 ilaa 22 kuwaas oo uu gudigu tilmaamay si loo dardargeliyo soo kabashada dhaqaalaha, xoojinta maamulka maaliyadda iyo in la gaaro dhammaystirka deyn cafinta iyada oo ay jiraan caqabadaha ka dhashay masiibada caabuqa COVID-19.
“In kasta oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay 12-kii bilood ee la soo dhaafay wajahday xaalad maaliyadeed oo aad u adag oo uu horseeday masiibada COVID-19 ee socota, Wasaaradda Maaliyadda waxay samaysay dadaallo ballaaran oo lagu kobcinayo dakhliga gudaha iyo hagaajinta hufnaanta bixinta kharashaadka iyadoo horumar wanaagsan laga sameeyay howlaha dib-u-habaynta. ” ayuu yiri Dr. Abdirahman Dualeh Beileh, Wasiirka Maaliyadda ahna Guddoomiyaha Gudiga Maamulka Maaliyadda.
Warbixinta Maamulka Maaliyadda waxay sannadkii labaad soo bandhigtay cutubka lagu magacaabo 'Diiradda' kaas oo si qoto dheer ugu hadlaya mawduuc la soo xulay si uu u qeexo xaaladda taagan, iyada oo ay qiimeynta eegeyso wax ka badan mudada sanadlaha ee warbixinta, si loo ogaado casharrada, caqabadaha joogtada ah ee horumarka, iyo hortabinada dib u habayn ee suurtogalka ah. Warbixibta sanadkan waxay diiradda saaraysaa is waafajinta laamaha iyo dib-u-habaynta maamulka maaliyadda.
Waxyaabaha ugu muhiimsan ee warbixinta 2021 ka waxaa ka mid ah horumarka laga gaaray xoojinta maamulka maaliyadda, ilaalinta dib u habeynta maaliyadda, maareynta kheyraadka dabiiciga ah, heshiisyada iyo qandaraasyada iyo dib-u-habeynta maamulka bangiga dhexe iyo sidoo kale dib-u-habeynta guud ahaan laamaha maaliyadda.
Warbixinta Maamulka Maaliyadda ee 2021 waxa kale oo ay soo gudbisay shan hortabin oo u baahan in fiiro gaar ah loo yeesho laba iyo tobanka bilood ee soo socda: waaritaanka xaaladda maaliyadeed iyo xoojinta dib-u-habaynta maaliyadeed; daah-furnaanta iyo habraaca cadaaladeed ee maareynta dakhliga kheyraadka dabiiciga ah; maamulka bangiga dhexe iyo horumarinta laamaha maaliyadda; maaraynta deymaha; iyo iibka qaranka oo waafaqsan nidaamka degan.