Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Maaliyada XFS, oo kulan la qaatay Agaasimeyaasha & Gudiga Dardargelinta Arimaha Kobcinta Dakhliga Gudaha
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa kulan la qaatay qaar ka mida Agaasimeyaasha iyo Guddiga dardargelinta arrimaha kobcinta Dakhliga Gudaha ee Wasaaradda Maaliyada.
Gudiga ayaa warbixin la xiriirta Shaqooyinkii u hirgalay uga warbixiyey wasiirka iyagoona sheegay in ay soodhameeyeen Hubintii iyo Baaristii in ay Canshuurta ku waajibtay Bixiyaan Shirkadaha Ganacsi ee ku yaalaha Gudaha Garoonka Aadan Cade.
Wasiirka ayaa ku bogaadiyey Gudiga Shaqooyinkii adkaa ee ay maalmahaasi soo qabteen isaga oo tilmaamay in loo gudbo wajiga labaad ee shaqada si kor loogu qaado illaha Dakhliga Gudaha ee Dalka.