Wasiir ku xigeenka Wasaarada Maaliyada oo Daah furay Barnaamijka SOMQR
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Maaliyada JFS Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa Daah furay Barnaamijka SOMQR oo ah hanaanka midaysan ee Dadka istimaala Bangiyada kala duwan ay si fudud ay isugu diri karaan Lacagaha iyagoo istimacmaalaya hal Scan (QR).
Munaasabadan oo ay soo qaban qaabisay sidoo kalena ay hirgalisay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qayb galay, Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka Bangiga Dhexe ee dalka, Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka Gudiga Maaliyada Golaha Shacabka, Agaasimaha Hay'ada Isgarsiinta Qaranka, Masuiliyiin ka socota Bangiyada , Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Dalka, Ganacsato iyo masuuliyiin kale.
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Maaliyada JFS Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange oo madasha ka hadlay ayaa bogaadiyey Bangiga dhexe ee Dalka oo ku guulaystay hirgalinta hanaanka SOMQR sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay ahmiyada Barnaamijka SOMQR ay uleedahay hanaanka casrigaa ee Maaliyada Dalka, ka Wasaarad Maaliyad ahaan in ay usahlayso Barnaamijka Canshuurta qaadista iyo in Ganacsatudu si fudud ku isaga bixin karaan Canshuurta.