Legislation Category:
165
Policies
Legislation Type:
Policy
Legislation Topic/Subject:
Policies, Instructions & Guidelines
Legislation Corporate Author:
Legal Support Unit
Release Date:
Monday, December 27, 2021
QORSHAHA KA QAYB GALKA DANEEYAYAASHA
Hawlgelinta Daneeyayaasha:
Iyadoo la raacayo (Heerarka tayo ee Deegaan iyo Bulsho ee 10-aad ee Bangiga Adduunka: Hawlgelinta Daneeyayaasha iyo Shaacinta Macluumaadka), Amaahiyaha, waxaa looga baahan yahay in uu la yimaado, oo uu fuliyo Qorshaha Ka-qaybgalka Daneeyayaasha, kaasoo qeexaya wakhtiga iyo hababka ka-qeybgalka daneeyayaasha, inta uu socdo mashruuca.
Qiimeynta halista bulsho, waxaa loo arkaa mid la taaban karo, iyadoo la tixgelinayo khatarta iyo saameynta bulsho ee soo socda: (i) bannaan u saaridda ama takooridda kooxaha danyarta ah iyo kuwa nugul marka laga hadlayo shaqo-siinta iyo bixinta adeegga iyo wax walba in ay helaan dadka awoodda leh ee waxaa loo arkaa khatar bulsheed oo saameyn leh; iyo (ii) khatarta baaxadda leh ee la xiriira xiisadda bulsho ee korortay (tusaale ahaan, sida adeegyada loo bixiyo, ama goobta adeegyada); (iii) Khatarta shaqada, oo ay ku jiraan Caafimaadka iyo Badbaadada Shaqada iyo khatarta amniga, dhiig-miirashada iyo xadgudubka galmada, dhibaataynta galmada, iyo noocyada kale ee Tacaddiyada Ku-slaaysan Jinsiga ee ka dhici kara, marka shaqaalaha la qorayo ama marka shaqaalaha shaqada loo sii wadayo gaar ahaan kuwa dumarka ah ee xirfadda leh ama aan xirfadda lahayn iyo bixinta adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada labadaba; (v) Khataraha guud ee ka shaqayntaaagagga rabshaduhu ka jiraaan iyo xaalad bulsho oo isku cakiran, oo ka dhigeysa wadatashiyada muhiimka ah ee bulshada, kormeerka, iyo sameynta nidaamyo ama habab lagu wajaho cabashooyinka.