Jadwalka Diyaarinta Miisaaniyadda

Jadwalka Diyaarinta Miisaaniyadda

BUDGET CALENDER

                                        Xilliga

 

Hawsha

 

July

 

Aug

 

Sept

 

Oct

 

Nov

 

Dec

 

Jan

1 Qorshe Sanadeedka Miisaaniyadda                            
2 Qeybinta Jaangoynta  Miisaaniyadda                            
3 Soo gudbinta Dalabka Miisaaniyadda                            
4 Dood Wadaagga Miisaaniyadda Ee W/Maaliyadda iyo Hay’adaha kale                            
5 Diyaarinta Qabyo Qoraalka Miisaaniyadda                            
6 U gudbinta Miisaaniyadda Golaha Wasiirada                            
7 Horgeynta Miisaaniyadda Golaha Shacabka                            
8 Ka Ansixinta Miisaaniyadda Golaha Shacabka                            
9 Shaacinta ama ku Wargalinta Miisaaniyadda Hay’adaha Dowladda                            

QORSHE WAQTIYEEDKA MIISAANIYADDA

Xilliga Diyaarinta iyo Gudbinta Miisaaniyadda Sida Xeerku Qabo:

  1. Ugu Danbeyn 15 Aug. ayey Hay’adaha Dowladdu ku Soo gudbinayaan Dalabka Miisaaniyadooda
  2. Wasaaradda Maaliyadda ayaa ugu danbeyn 30-ka September u gudbineysa Miisaaniyadda Golaha Wasiirada, ka dib marka ay kala doodo hay’adaha isticmaalaya miisaaniyadda.
  3. Ka dib ansixinta Golaha Wasiirada Miisaaniyada waxaa ugu danbeyn 31-ka October loo gudbinayaa Golaha Shacabka
  4. Golaha Shacabka ayaa muddo laba bil ah u haysta doodda iyo falaqeynta Miisaaniyadda laguna ansixinayaa ama lagu celinayaa Miisaniyadda ugu danbeyn 31-December.

Sida uu Qabo Xeerka Xisaabaadka Dowladda “Xeer Lr. 317 December 17, 1962. Qodobadisa 2 iyo 4

Xilliga Diyaarinta Iyo Gudbinta Xisaab Xidhka Sanadka

  1. Xisaab Xidhka Dowladda ayey Wasaaradda Maaliyadda ugu gudbineysaa Hantidhowraha Dowladda ugu danbeyn 30-ka April ka dib ansixinta Golaha Wasiirada ayaa loo gudbinayaa Golaha Shacabka Xisaab Xidhka Dowladda iyo warbixinta Hantid dhawraha ugu danbeyn 30-ka June, Sida uu qabo Nidamka Maaliyadda iyo Xisabadka Dowladda  “Xeer Lr. 2 29-12-1961 Qodobkiisa 25.