Wasiir Beyleh “Dakhliga soo xarooda wuxuu ahaan jiray 10% hadana waxaan gaarsiinay...

Wasiir Beyleh “Dakhliga soo xarooda wuxuu ahaan jiray 10% hadana waxaan gaarsiinay 90%”

158
0

Muqdisho, 24, May, 2017..Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Cabdiraxman Ducale Bayleh oo ay wehliyaan Wasiir ku xigeenka maaliyadda mudane Cabdullahi Sheikh Cali Qaloocow ayaa kormeer ku tagay Dekedda Muqdisho oo halbowlaha u ah ilaha dhaqaalaha dowladda,

Wasiirada ayaa kulan gaar ah la yeeshay Agaasimaha Cusub ee Furdada muqisho, iyagoona ka dhagaystay warbixin la xariirta halka ay marayaan howlaha shaqo ee ka socda. caqabadaha ka jira, iyo dar dargalinta canshuuraha.

Sidoo kale Wasiirada ayaa kulan balaaran la qaatay dhamaan shaqaalaha Wasaaradda Malaiyadda ee ka howlgala dekeda Muqdisho, iyagoona ku aamaanay howlaha baaxada leh ee ay wadaan.

“Waxaa siyaasadeena ugu horaysay kordhinta dakhliga, la dagaalanka musuq maasuqa iyo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, waxaana idinku wargalin in shaqaale kasta oo si holw karnimo iyo daacad ku jirta u guta waajibaadkiisa shaqo la abaala marin doono”ayuu yiri Wasiir Beyleh

Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in uu yimid dakhli koror balaaran ilaa iyo intii xukuumadaan cusub ay howl gashay” Dakhliga horay u soo xaroon jiray wuxuu ahaa 10% lakiin maanta waxaan gaarsiinay 90%, taasna waxaa sabab u ah ilaalinta canshuuraha iyo la dagaalanaka musuq maasuqa”

01 1 03 04 05

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY