Maamulka Cusub ee garoonka oo kordhiyey 30% dakhligii soo xaroon jiray

Maamulka Cusub ee garoonka oo kordhiyey 30% dakhligii soo xaroon jiray

175
0

Muqdisho, 17, May, 2017….Waxaa maanta kormeer indho indhayn ah ku tagay garoonka dayiaaradaha Aden Cade qaybtiisa canshuuraha Wasiiru Dowlaha Maaliyadda mudane Maxamud Xayir Ibraahim, Wasiirka Warfaafinta Eng, Cabdiraxman Yariisow, iyo Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Cabdullahi Sheikh Cali Qaloocow.

Wasiirada ayaa kulan la qaatay maamaulka cusub ee garoonka, waxayana ka dhagaysteen warbixino qaabka u ay u soo xareeyaan canshuurta iyo kororka ku yimid labadii maalin oo ay xilka hayeen.

Ugu horayntii waxaa Wasiirada war bixin siiyey Cabdifitaax Salaad oo ah ku xigeenka maamulaha Garoonka Diyaaradaha, wuxuuna sheegay in labadii maalin oo ay shaqada ku cusbaayeen ay kordhiyeen dakhli kor u dhaafay 34 kun oo dollar ayna rajaynayaa in ay intaas ka sii badiyaan sida u qorshaysan maamul ahaan.

Wasiiru dowlaha Maaliyadda Mudane Xayir ayaa dhankiis ku nuux nuuxsaday in wax lagu farxo tahay dakhli koror 30% ah inuu dhaco laba maalin gudaheeda, “

“Waxaan halkaan ka qiraya inuu jiro isbadal badan, waana mid la rabo in shaqada lagu dar dargaliyo, waxaana ilaa shalay kor u kacay dakhligii ka soo xaroon jiray garoonka diyaaradaha 30% wuxuuna horudhac u yahay isbadalka aan rabno inaan ku samayno dakhliga u soo xarooda dowladda. Waa arin aad u fiican fiican in aan hayno wadadii isla xisaabtanka iyo isku filaanshaha ee dhanka dakhliga, waxaan aad ugu amaanayaa shaqaalaha cusub howlaha ay qabteen waxaana rajaynaa in la abaal mariyo. Waxaan sidoo kale saaka booqanay Dekadda aniga iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.” ayuu yiri Wasiir Xayir

Wasiirka warfaafinta ayaa ugu danbayntii sheegay in Ra’iisul Wasaare Kheyre u soo diray garoonka si ay ugu mahadceliyaan una dhiiri galiyaan shaqaalaha cusub ee sameeyey kororka dakhli ee intaan le ‘eg, wuxuuna sheegay in ay jiri doonto isla xisaabtan sida ay u dhacday in musuq maasuqaan baahsan ee lagu sameeyey hantida qaranka, mana laga yeelayo cidii ku takri fashay dhaqaalaha soo xarooday.FB_IMG_1495099739207

FB_IMG_1495090171728 FB_IMG_1495090167961 FB_IMG_1495090162446 FB_IMG_1495090151327 FB_IMG_1495090162446

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY