Wasiir Beyle oo shirkii ugu horeeyey la qaatay Guddiga Nidaaminta Maaliyadda

Wasiir Beyle oo shirkii ugu horeeyey la qaatay Guddiga Nidaaminta Maaliyadda

130
0

Muqdisho, 11, May, 2017….Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxman Ducaale Bayle ayaa markii kowaad shir gudoomiyey kulankii Gudiga Nidaaminta Maaliyadda Dalka, kaas oo dhaca lixdii todabaadba mar. Waxaana xubno ka ah guddiga Wasaaradda Maaliyadda oo leh gudoonka, Bangiga Dhexe, Gudiga Baarlamaanka u qaabilsan arrimaha maaliyadda, Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xafiiska garyaqaanka guud, Wakiilo ka kala socda beesha caalamka sida: Bangiga Aduunka, African Devlopment Bank, IMF iyo Deeq bixiyaasha kale.

Shirka ayaa looga hadlaa sidii loo hagaajin lahaa nidaamka maaliyadda dalka, loona hormarin lahaa hay’ada ka shaqeeya, waxaana badanaa lagu lafa guraa heshiisyada caalamiga ee ay dowladu gashay, waxaana sidoo kale talo laga siiyaa dowladda qaabka loo galayo heshiiyada iyo maalgalinta shisheeyaha.

Wasiirka maaliyadda ayaa saxaafada la hadlay markuu soo idlaaday shirka kadib wuxuuna ku amaanay howlaha u soo qabtay Guddigu mudadii uu jiray iyo qorshayaasha u dagsan gudiga oo ku aadan horumarinta dhaqaalaha dalka.

“Waxaa gudigaan la dhisay dhamaadkii sanadkii 2014-ka, waxaana mudadii uu jiray uu qabtay shaqooyin faro badan oo runtii wax weyn dalkaan ugu yaala, wuxuu dib u eegis ku sameeyey heshiisyadii ay gashay dowladii hore iyadoo qaarna la joojiyey qaarna hada lagu guda jiro sidii loo sixi lahaa iyo iyadoo nalaga kaalmaynayo sidii aan u gali lahayn heshiisyo caalami  ah”

 Guddiga nidaaminta maaliyadda waxaa dhaqaalihii laga bixiyaa

Sanduuqa ay ku midaysan yihiin deeqa bixiyayaasha saxiibka la ah Soomaaliya. Waxaana Guddigan loo ogolaaday in ay si madax banana ay talo uga bixiyaan meelaha muhiimka u ah dib u habaynta nidaamka maaliyadda sida Bangiga Dhexe, Hantida Soomaaliya ay leedahay ee caalamka taala, heshiiyada shirkadaha lala galo, Ilaalinta Hantida maguurtada ah ee Dowladda, Midaynta canshuuraha, iyo kor kala socoshada dib u habaynta lagu wada nidaamka maaliyadeed ee dalka.

FGC 5 FGC 4 FGC 2 FGC 1 FGC

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY