Wasiirka Maaliyadda oo maanta kulan la qaatay guddiga arrimaha maaliyadda u qaabilsan...

Wasiirka Maaliyadda oo maanta kulan la qaatay guddiga arrimaha maaliyadda u qaabilsan baarlamaanka

107
0

Muqdisho, 06, May, 2017…..Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxman Ducaale Bayle ayaa shir la yeeshay guddiga baarlamaanka u xilsaaran arrimaha maaliyadda, kulanka oo qaatay mudo saacad ah ayaa waxaa looga looga dooday qaybta ka dhimana miisaaniyadda sanadka 2017, xisaab xirka labadii sano ee la soo dhaafay, dadjinta sharciga PFM, dabagalka sharciga Bilka Qaranka, xoojinta wada shaqaynta labada dhinac iyo in ay wasaaradda iyo guddigu yeeshaan xiriir joogto ah..

Gudoomiyaha gudiga Cali Cabdi Cusmaan ayaa ugu horayntii ka warbixinyey ujoodiyka shirka loo qaban qaabiyey waxaaan uu sheegay in shirkaan yahay kii kowaad ee ay la yeeshaan wasaaradda maaliyadda, si ay u helaan is xog waraysi iyo xoojinta wada shaqaynta labada dhinac.

Gudoomiye ku xigeenka gudiga Cabdullahi Maxamed Noor ayaa kulanka ka soo jeediyey warbixin la xariirta waxyaalaha loo bahan yahay in si deg deg ah loo wada qabto, isla markaana wada shaqayntu ay ku salaysnaato is saxid iyo iskaashi ku aadan sidii loo horumarin lahaa dakhliga dalka loona raaci lahaa shuruucda maaliyadeed ee dalka u dagsan.

“Xeer hoosaadku gudiga sida uu qabo waa in ay kulmaan wasaaradda iyo guddiga si ay isula fahmaan qorshaysan sanakdaan wasaaradda waxaa naga dhaxeeysa shaqo guud, waa inaan isla garano sanadkaan sida loo wada shaqayn lahaa, waana iskaashanaynaa, waxyaalo badan oo waxaa jira ay wasaaraddu wax ka qaban karin lakiin gudigu uu ka qaban karo. baarlamaanku wuxuu soo noqon bisha juulay, waxaana la rabaa in la dhamaystiro miisaaniyadda qaybta danbe sanadkaan, loona horgeeyo baarlamaanka xiliga ay ka soo noqdaan fasaxa” ayuu yiri Xildhibaan cabdullahi.

Wasiirka maaliyada mudane Cabdiraxman Ducaale Bayle ayaa sheegay in muhiimada kowaad uu siinayo wada shaqayn waarta oo dhex marta guddiga iyo wasaaradda, waana arin horseedi karta in la isla xaliyo caqabado badana oo taagan.

“Waa mahadasanitihin soo dhaweytiina, waxaan dareesanahay in aan ahay oday idinka mid ah, waxaana wada qabanaynaa shaqo noo wada taala, wixii shaqo ah wasaarada yaala waa wada qabanaynaa wax laydinka qarinana ma jrtoo, qodobada aad soo jeediseen qaarkoodan waan ka shaqaynaa qaarna waan diyaarinaya oo xiligii loogu tala galay ayaan soo gudbinaynaa”ayuu yiri Wasiir Bayle

Ugu danbayntii Agaasimaha Miisaaniyada ee Wasaaradda Maaliyadda Iraad ayaa ku aamanay gudiga in ay yihin kuwo wada dhalinyaro aadna u fir-fircoon, wuxuuna sheegay in ay la wadaagayaan warbixinada billaha ah iyo kuwo sadex bilood laha ah ee ka soo baxa wasaaradda, wuxuu soo jeediyey in la isla fahmo kulamada nooca ay noqonayaa lana sameeyo qorshe cad oo jadwalaysan si loola socdo shaqooyinka ina horyaala.

18221744_1935471603338768_1798872928712781589_n 18301127_1935471606672101_4992477316090726519_n 18222345_1935471556672106_6524696423341000876_n 18221744_1935471603338768_1798872928712781589_n (1)

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY