Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda ayaa saaka la kulmay shaqaalaha aan joogtada ahayn

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda ayaa saaka la kulmay shaqaalaha aan joogtada ahayn

555
0

Waxaa saaka wasiiru dowlaha Wasaaradda maaliyadda mudane Maxamed Xayir Ibraahim, kulan balaaran uu la qaatay shaqaalaha aan joogtada ahayn ee ka qaata mushaaraadkooda gacanta, wuxuuna ku wargaliyey looga baahan yahay in ay ka furtaan bangi xisaabeed bangiyadda gaarka loo leeyahay si ay u helaan mushaarkoodii bishii feebaraayo, islamarkaan arinkaan uu saamaynayo dhamaan shaqaalaha dowladda ee gacanta ka qaata mushaarkooda.

Wasiiru dowlaha ayaa balan qaaday in shaqaaluhu ay helayaan xuquuqdooda bil kasta iyagana looga baahan yahay in ay ka soo baxaan waajibaadkooda shaqo. Sidoo kalana ay ilaaliyaan go’aankii Ra’iisul Wasaaraha oo ahaa in shaqad la soo galo 8;00 Subaxnimo lagana baxo 4:00 Galabnimo.

Waxaa intii uu kulanku socday soo booqday wasaaradda Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, wuxuuna indha indhayn ku sameeyey sida ay u socdaan howlaha Wasaaradda, isagoona kulamo la qaatay qaar ka mid ah agaasimayaasha wasaarada.
DSC00072 DSC00099 DSC00106 DSC00113 DSC00117

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY