Golaha Shacabka ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Misaaniyadda sadex bilood ah

Golaha Shacabka ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Misaaniyadda sadex bilood ah

752
0

Muqdisho, 03, April, 2017…Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta horgeeyey golaha shacabka Miisaaniyad Sadex biloodle ah, taas oo ka bilaabanaysa bishaan Abriil, wuxuuna ka codsaday xildhibaanada baarlamaanka in ay ansxiyaan

Miisaaniyadda la horgeeyey Baarlamaanka oo ay soo diyaarisay Wasaarada Maaliyada ayaa waxay gaareysaa 267,544,364 Milyan oo dollar loogu tala galay in dowladdu ku shaqayso, waxaana xusid mudan in Lacagtaas ay 60% ka imaaneyso dakhliga gudaha halka 40% lagu rajo weyn yahay in ay ka timaado  dalka dibadiisa.

Wasiirka Maaliyadda XF Soomaaliya  Dr, C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa  Xildhibaanada ka codsaday in ay ansixiyaan isla markaasna ay diyaar u yihiin hadii fursad loo siiyo in ay saxayaan dhaliilaha jira iyo walaaca ay ka qabaan Xildhibaanada qaabka loo soo diyaariyay Miisaaniyada.

Dood dheer ka dib xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ku ansixiyey cod aqlabiyad ah, waxaana uu gudoonka baarlamaanku ka codsaday Wasiirka maaliyadda in mudo sadex bilood gudahood ah uu ku keeno xisaab xirka 2015 iyo 2016.

“Waxan u sheegayaa Wasaaradda Maaliyada in la idiin ansixiyey iyadoo la fiirinayo qodobka 11 aad  waxaa isticmaalin kartaan oo kaliya 3 bilood, iyadoo la idinka doonayo xisaab xirkii 2015- 2016, waana inaad keentaan miisaaniyadda oo faah faahsan 30 Jun , 2017 ka hor” ayuu yiir Mudane Jawaari

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY