Wasiir Farkeeti “Khidmad lagama qaadi karo shacabka iyada oo aan loo cuskanayn...

Wasiir Farkeeti “Khidmad lagama qaadi karo shacabka iyada oo aan loo cuskanayn sharci la marsiiyey labada golle”

155
0

Muqdisho, 01, Dec, 2016….Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Maxamed Aden Ibraahim Farkeeti ayaa maanta saxaafada u faah faahiyey qaabka loo wajahayo isticmaalka Caymiska, kadib markii shalay buuq ka dhashay shirkad Caymis ah oo ku soo rogtay gawaarida in ay galiyaan caymis khasab ah, taas oo keentay shaqo joojin ay ku dhaqaaqaan gawaarida dadweynuhu.

Wasiir Farkeeti ayaa sheegay in dowladii hore ee Kacaanka ay iska lahayd Hay’ado badan oo maanta si khaas ah loo leeyahay, Wakaaladda Caymiska Qarankuna waxaa ay ka mid ahayd Hay’adaha dowladda.

“Waxaa jiray sharciga caymiska qaranka,  madaama sharcigaas uu ku ekaa oo kaliya hay’ad dowladeed maanta lama isticmaali karo, mar hadii shirkad gaar loo leeyahay ay leedahay” ayuu yiri Wasiir Farkeeti oo dhanka kale xusay ayaa sheegay in dowladda soo socota looga fadhiyo in ay diyaariso shuruuc uu ka mid yahay kan caymiska.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in shirkaduhu aysan xadidi karin khidmada ay ka qaadayaan shacabka iyadoo Wasaaradda Maaliyadda aysan qayb ka ahayn jaangooynta khidamadaas,

Ugu danbayntii Wasiirka ayaa sheegay in ay daruur tahay marka la dajinayo shuruucda caymiska in ay qayb ku yeeshaan Wasaarada Caafimaadka, Gaadiidka , Maaliyadda, oo dhamaan saamayn ku leh adeegyada uu qabanayo Caymisku

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY