Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay kulan looga tashanayay Miisaaniyadda 2017

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay kulan looga tashanayay Miisaaniyadda 2017

236
0

Muqdisho, 06, Nov, 2016…Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadd Federaalka Soomaaliya ayaa ku soo gabagabeysay magaalada Muqdisho kulan looga tashanayo miisaaniyadda 2017, waxaana kulanka ka soo qayb galay dhamaan hay’adaha dowladda oo qoondada ku leh miisaaniyad sanadeedka.

Agaasimaha Waaxda Miisaaniyadda Axmed Cabdi Aden Iraad ayaa faahfaahin dheer ka bixiyey qaabka ay noqonayso Miisaaniyadda sanadka 2017, iyo meelaha muhiimada u leh dowladda oo lagu bixinayo miisaaniyada sanadka soo socda.

“Miisaaniyadu waxay dalka u leedahay ahmiyad gooni ah, waxaana kulankaan loo qabtay in laga tashto meelaha mudnaanta u leh dowladda, iyo sdiii dakhliga kor loogu qaadi lahaa si miisaaniyada la qorsheeyey loo soo xareeyo” ayuu yiri Iraad oo dhanka kale sheegay in sanadkii shanaad uu socdo oo lagu shaqaynayo misaaniyad la qoondeeyey, isla markaana dib u eegis lagu sameeyo sanad kasta bartamihiisa.

Sdioo kale ka soo qayb galayaasha kulanka ayaa isla qiray  in markasta muhiimad gaar ay tahay in lasiiyo arrimaha Amniga iyo adeeyada bulshada, ayna waajib tahay in layskula xisaabtamo misaaniyad sanadeedka qaabka loo bixiyo.

Gabagabadii kulanka ayaa laga shaaciyey in Miisaaniyada sanadkan la oo bandhigayo dhamaadka bishaan, iyadoo loo horgaynayo golaha wasiiradda, sidoo kalana laga ansixinayo baralamaanka cusub oo hada ay ka socoto xulitaankiisa gobolaada dalka.

20161105_102844 20161105_102838 20161105_143116 img_-pfnnza

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY